CABASHO FURAN
Colaadaha iyo khilaafaayada siyaasadeed waxaa lagu waayay naf iyo maal, si la mid ahna waxaa ka dhashay burbur, barakac baaxad weyn leh, iyo dilal loo geystay shacabka si aan kala sooc laheyn. Dhacdadii 24/12/2002 ee xasuuqii ardayda waxay daba joogtay xadgudubyo xad dhaaf ah oo loo geysanayey had iyo jeer bulshada Soomaaliyeed.
Haddaba, Anigoo ah saxiixaha cabashadan kana soo horjeeda xasuuqa, dilka, afduubka, kufsiga, iyo xadgudubka ardayda,haweenka,adeegayaasha bulshada iyo dadka rayidka ah.
Waxaan codsanayaa :
1.. In cid kasta ee geysata xadgudub ka dhan ah caruurta, ardayda iyo dadka rayidka ahba la horkeeno caddaaladda.
2.. In bulshada caalamku u sameyso maxkamad caalami ah oo baarta, xukuntana dambiilayaalka dagaal ee ku xadgudbaya dadka rayidka ah, sida ku cad xeerarka caalamiga ah.
Waxaan caddaynayaa:
1. In cid kasta oo sheeganeysa maamulka goobta uu xadgudub ka dhaco ay masuul ka tahay soo qabashada dambiilayaasha falka geysanaya.
2. In odayaasha dhaqanka, culumaaudiinka, aqoonyahannada iyo cid-kasta oo sheeganaysa masuuliyada bahda ay ku abtirsanayaan dadka geysanaya fal dambiyeedyada, iyagana ay ku dhaceyso masuuliyadda faldambiyeedyadaas.
3. In dadka iska leh hubka, qalabka, hantida iyo masuuliyadda ciidanka dambiga lagu galayo ay masuul ka yihiin falka lagu fuliyo hubkooda, qalabkooda, ciidankooda iyo hantidoodaba, lagulana xisaabtami doono.
Waxaan ballan qaadayaa:
In aan si dhab ah uga qeybqaato ka hortagga xadgudubyada loo geysanayo dadka rayidka ah, una huro waqti iyo hantiba.